Nolosheenu waa ay sii horumareysaa oo sii hagaageysaa markasta oo ay bataan
tijaabooyinkeenu, balse kawaran haddii aad soo martay dhowr tijaabo oo adag,
aadna u taag la' dahay ka gudbitaankooda?
Joornaalkaan waxa uu kuu suurtagalinayaa in aad la socoto noloshaada maalin
laha ah , aadna hormariso hab fikirkaaga adiga oo maalinkasta qaadanaya 5
daqiiqo oo aad wax uga qoreyso maalintaada iyo waxyaalaha aad ka
mahadnaqeysid in aad heysato.
Buugaan waa nuqulka asalka ah ee ay diyaarisay Safiya Farah Mohamed, oo ah
dhiirigaliso, horayna u qortay buugaag ay uga hadleyso sirta lagu helo nolol
guul iyo farxad leh.